Waan ku salaamay Axmadoow Inaadeer. Qasrigii aan faqashta ka xoraystay anigu, Soomaalilaan-diidkii Tuurna igaga dhex nasan waayay, Adna aan basaaskii Faqash ee Ina Rayaale ku dhex dili rabtay, odaygii Siilaanyana aan dirqiga kaga furfurtay ayaan kaa soo dhex salaalmayaa.
Dalku waa nabad waxoogaa yar oo darafyada iyo meelo fogfog laga soo sheegayo mooyaane. Ninyhow, dhawr iyo toban sanno ka hor, waagii aad dhulka ka calanwallaynaysay waan kula socday. Waan ku fahanasanaa in aad dhexraacday xaalad guud oo Amxaaro la dirir ah, waanan arkayay in aad kuwii Maxkamadaha la odhanjiray ku dhexdhuumanayay, u dhuumatayna rag u malaynayay in ay wax kula dhisteen, ku dhex kortay, ayna iska warheleen adiga oo wixiiba gacanta ku haya, rag iyo xoolaba, xilli aad amiir tahay oo amarkaagu oo qudhi socdo.
Waxaan u jeeday adiga oo dadka saddex ka dhigay, Shabaab, Shariif iyo Shacab. Waadigii kii kula dagaalama dilayay, ee waliba ubadkiisa iyo kuwa ugu xiga u adeegsanayay. Kii ku mucaaradana xabsi u taxaabayay, gaalloraacnimo iyo basaasnimona ku shaambadaynayay.
Waxaan ka war qabay in raggii wax kula dhistay iyo kuwii ku dhisay habeen qudha ka soo dhextooseen boqortooyo adigu aad leedahay, wax cararay iyo wax aad aboorka cunsiisayna waa kuwii noqday. Kuwii maxkamado ahaa ee u haystay in aad meel u wada jeedaanna warkoogaba dhaaf. Wixii ganacsato ahaana in ay naftooda kaa laaluushayeen waan la socday.
Ina adeer waxa aan warqaddan kuugu soo dirayaa, in aan ku wargeliyo in aan wadiiqadaadii raacay, ku dhex dhuuntay wax ay dimuqraadiyad u bixiyeen oo gaalo laga keenay, reero jeegaan la yidhaahdo oo xulafo isgaashaanbuuraysina aan ku dabadhuuntay, niman wax xisbi loo bixiyay oo Kulmiye la yidhaah aan ku wadajirnay oo u haystay in aan meel u wada soconnana u dhuuntay.
Dadkii waxa aan u qeybiyay shaqaalahayga, shacab iyo shisheeyekalkaal. Waxaan idhi shacabku abaal ha ku qabo in uu nolyahay. Shaqaalahayga waxaan idhi mushaarigiina ahaada, dadweynaha ii saba, reerihiinna ii soo xuuraama. Amarkayga oo qudha ayaa socda baan idhi, lacagtu waa ganacsadaha aan dhalay baan idhi, dhulku waa aniga iyo walaalkey. Doorkani waa doorkii reer Xildiid baan idhi, ciddii xoogsanaysaay xoolaha wax naga siiso haddii kale waa xadhig baan idhi. Kuwii ganacsato ahaa xoolohooga ha iga laaluusheen baan idhi, wiilashayda iyo wixii u shaqeeyana fasax baan siiyay. Ciddii aan idin cajabin afduubtaan idhi, orda oo dunnida gala oo dadka u soo dawladeeyana waan ku dardaaray.
Shisheeye kalkaalaa igu badnaaye, qofkii juuq yidhaahda xabsi baan u taxaabay, kii ka soo warrama waxa aan falaayo iyo sida aan ka yeelayo shacabkayga aan xabsiyada ku xanaaneeyo, isagna waan xareeyay. Dalku dawlad buu leeyahay baan idhi, amarkeeguna waa mudeec, ninkii diida, wiilal ii shaqeeya oo dad ugu dhaw baan u diray, sharafkooda isku soo qarxiya bana idhi. Kii aamusi waayay, haajiri waayay, xadhiguna cabsi galin waayay isaga iyo inta ku xoomanba xabbad in lala dhaco ayaan go’aamiyay. Kii ila dagaalamana magaalooyinkaan ku dumin baan idhi. Marka horeba cadaw saw ma ahayn, ma kollaan lexejieclo ka qabay!
Hadda kuwii wax ila dhistay iyo kuwii I dhistayba boqotooyadayda ayay ka soo dhextooseen, way igu shimbiro waaqlaynayaan lakiin waxa ayna ogayn in hal rasaas ahi ku filantahay kala firdhinta raxamaha shirbir ee meesha ka heesaya.
Ugu danbayn, adiga ciidan ajaanib iyo dayuurado Maraykan baa ku helay, kuwo aniga ii soo socdana maaha kuwaasi, warka oo faahfaasan iyo halka xaajo ku danbaysana aakhrinaan kuugu warrami doonaa. Boos hagaagsan ii sii qabo, nabadna ahow inaadeer.
😄.. hhh wa ka socota habaar.. kusocota habaar qabe.
Kkkkk, waa sida runta ah ee uu aaminsan yahay Muse Bixi. Beeluhu ha iska xoreeyaan Shabaabka iyagoo ciidan beeleed adeegsanaya. Another Macawisley is necessary in order to re-liberate Somaliland teritor from Northern Shabab or Xildiid goverment.